Mahiigaan caashaq baa sidii Magay roob oo kale Miranaya Laabtoo
Mowjadaha Baddiyo hir iyo Mowl bay qarshoo dheri baan dhex maquursanahay
Siddii laygu kaa muday, Adaa Muxabada Jaceyl dhexda igu Marayoo Naftan Naftaan Naftaan Kaa maarmi karine. Naftan Naftan kaa maarmi karine.
Muhuraan Caashaq baa intuu Midigta igu dhigay I Muquuninaayoo.
Muhashada dhibtiyo Murwoy Muragada Jaceyl ayaa igu Maaxay
Siddii laygu kaa muday, Adaa Muxabada Jaceyl dhexda igu Marayoo Naftan Naftaan Naftaan Kaa maarmi karine. Naftan Naftan kaa maarmi karine
Sameeye: C/khayr Maxamed
Wednesday, February 18, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment